Läs mer om vår personuppgiftshantering och kakor här Jag accepterar cookies
Sök
Meny

Naftaada ka badbaadi dab

Qof walba oo ku nool guri dabaq ah ama guri weyn oo gaar ah waa inuu qabaa aaladda digniinta dabka. Dhawaq ayey bixineysaa marka uu dabka bilaaban raba. Caadiyan, waa inaad sidoo kale guriga ku heysataa aaladda dab damiska. Laakiin waxaa jira waxyaaba badan oo aad ku fikiri kartid si aad gurigaada dab uuga badbaadisid. Hagaheena qoraalka ah waxaad ka akhrin kartaa waxyaabihii aad sameyn lahayd haddii xaaladdaas ay kula soo darasta.

Inta badan aaladda degniinta dabka dhawaq ayey bixisaa islamarka uu dabka bilowdo. Sidaa darteed, waa muhiim inaad ogaatid waxa aad sameyn lahayd.Waxaa jira waxyaaba badan ood ku diyaarin kartid guriga si aad ku yareysid dabka khatartiisa.

Maxaad sameyn kartaa si aad isaga badbaadisid dab?

 

  • Waa muhiim inaad fiirisid qalabka guriga ee korontada isticmaala yaala. Kombyuutar waa inuusan yaalin sariirta korkeeda mudo dheer, sababtoo ah aad buu u kululaan karaa. Haa isku dayin inaad sameyso xariga korontada ee halaabay, durbadiba tuur. Haddii qalabka guriga ee korontada isticmaala sida mashiinta dhaqda ama meerta waalasha, mikroweefka (mashiinta cuntada lagu kululeeya) e jabaan waa in la hagaajiyaa ama la badalaa. Waa muhiim in qalbka korontada isticmaala oo kulelylka bixiya aan la ag dhigin waxyaabaha sida sahlan dabka u qabsada. Telefoonka marka aad korontada ku xiriirisid ka fogeey waxyaabaha dabka qabsan kara.
  • Haa dhigin waxyaabaha si sahlan dabka u qabsan kara jikada wax lagu kariya korkeeda. Mathalan, mashiinka wax lagu dubi, shukumaanada jikada ama wargeeysyada. Dabka inta badan wuxuu ka bilowdaa jikada. Waa caadi inuu dab ka jiro jikada wax lagu karsada, mathalan, haddii uu qof dabka ku hilmaama hderi ama waal wax lagu kariya oo kulul. Haa ka tagin dabka isagooy wax saaran yihiin.Waxaa fiican inaad ku xirtid mudo oo uu iskiis isu daminaaya dabka si looga hortago inuu wax gubo. Dabka saacadda lagu xero wuu jabayaa wakhtigii loogu tala galay markuu dhammaado. Aaladda sida tooska ah dabka u damisa wey joojineysaa dabka haduu sheyga dabka saaran aad u kululaado ama uu qaaq badan bixiyo. Weydii bakhaarka waaxda dhismaha gurigaada, wey ku caawinayaan. Haddii aad saliid isticmaaleysa marka aad wax karineyso, waa inuu dabool agtaada yaalaa, si aad u bakhtiisid dabka aadna birta wax lagu dubo uuga saartid haddii ay gubato. Saliid gubaneyso waa inaan lagu qaboojinin biyo. Haana hilmaamin inaad nadiifisid faanka aad ku isticmaashid jikadaada mararka qaar, haddii kale subagga iyo qaaqa ku dhaga faanka wuxuu sababi karaa dab.
  • Dami shumaacyada marka aad ka baxdid guriga. Xusuusnoow inaadan isku dhaweynin nalalka. Haa dhigin shumacyada meel u dhaw waxyaabaha si sahlan dab u qabsan kara. Mithaal ahaan, waxaa jira, in waxyaabha guriga lagu qurxiyo oo ka sameysan qardaasta ay guban karaan.
  • Haa ku cabin sigaar siriirta korkeeda ama goobaha kale aad seexan karto. In sigaar lagu cabo siriirta korkeeda, waxey ka mid tahay waxyaabaha ugu weyn oo halista ah oo sababa dabka ka dhaca Sweden.
  • Hubi in taraqyada iyo qalbka dabka lagu shita ey ka fog yihiin caruurta. Geli aaladda dareenta dabka qolka jiifka ciyaalka. Ciyaalka inta badan marka ay qolkooda dhexdiisa taraqa ku isticmaalaan, waxey isku dayayaan in iyagu naf ahaantooda ay xakeemaayaan dabka ka hor inta ay dadka waaweeyn wax taageera ah weydiisanin.
  • Haddii uu jiro dhawaq iyo nalka oo damdamo, siib dhammaan xargaha korontada iyo fiilooyinka.
  • Haddii guri dabaq ah aad ku nooshahay, goobta jaraanjarada waxaa loo arkaa meesha lagu cararo, si sahlan ayaad u bixi kartaa haddii uu dab bilowdo. Sidaa darteed, haa dhigin baasikiilo ama wax kale goobta jaraanjarada. Sidoo kale waa inaysan aalin goobta jaraanjarada wargeyso, qashin, geedo kirismaasta iyo wax kaloo si sahlan dab u qabsan kara.
  • Haddii aad wax ku dubeysid dhalada gaaska, dhalada gaaska waa in la dhigaa balakoonka, ma aha gudaha guriga dabaqa. Sidoo kale dhalada gaaska waa inaan la dhigin qeybta hoose ee dhismaha dabaqa.

Waxyaabaha si sahlan dab ku qabsan kara

Waxyaabaha sida sahlan dabka ku qabsan kara waxaa ka mid ah gaaska iyo waxyaabaha shubma oo holaca qaadi kara. Shidaalka khafiifka ah, shidaalka gaaska, naftada, saliidda feynuusta, gasacdyada wax lagu buufiyo, iyo gaaska waxey ka mid yihiin waxyaabaha sida sahlan dabka u qabsan kara. Waxyaabahaan dabka qaadi kara oo guriga yaala aad u yareey inta karaankaada ah. Waa muhiim inaad raacdid aadna ka taxadartid sharciyada ku saabsan waxyaabaha dabka qabsan kara. Mar walba waxyaabahaan dhig meel ammaan ah oo ka fog caruurta. Haddii aad ku nooshahay guri qoys badan uu ku nool yahay waa mamnuuc inaad waxyaabaha sida sahlan dabka u qabsan kara aad ku keydisid qeybta hoose ee dabaqa.

Dubidda

Haddii aad wax dubeyso, waa muhiim in badbaada aad mar walba ka fikirtid si khatarta dabka aad uuga hortagtid. Haddii banaanka aad wax ku dubeysid, ugu horeyn waa inaad fiirisaa in la ogol yahay in halkaas aad dab ku isticmaashid. Waa wajibkaada inaad soo ogaatid waxa la sameyn karo, xogtaasna waxaa laga heli karaa bogga intarneetka ee barasaabka.

Haddii aan la ogoleyn in la isticmaalo dab, waxaad un wax ku dubi kartaa oo kali meelaha gaari oo wax dubidda loogu tala galay. Xusuusnoow waa in qalabka wax lagu dubo la damiyaa marka aad ka dhameystatid.

Caadiyan lama ogolo inaad wax ku dubtid balakoonka. Weydii mulkiilaha guriga sharciyada lagu dhaqmi karo oo goobtiina ka hirgalao. Haddii in balakoonka wax lagu duba la ogol yahay, isticmaalk= qalabka wax lagu duba oo isticmaala korontada.

Dadka waaweyn ama naafada ah

Haddii aad da'a tahay ama naafa, waxaad u baahan tahay inaad ka fikirtid sida isaga badbaadin laheyd dab. Weydiiso qof qaraaba ah, saaxib, ama saraakiisha bixiya adeega guriyaha inuu kaa caawiyo fiirinta aaladda digniinta dabka. Xulo laba aaladood oo yar yar oo dab damiska ah haddii aad mid weyn isticmaali karin. Haddii aad dhagaha ka culustahay ama aad wax maqli karin, aaladda digniinta dabka waxaa lagu xiri karaa qalabka giriiraaya ama ifaaya. Waxaa sidoo jira qalab ku xusuusinaaya inaad damisid jikada iyo nalalka. Ka fakar aaladda digniinta aad u baahan tahay. Waxaad la tashan kartaa sargaalka taageerada ee barasaabka si aad u ogaatid qalabka aad ka heli kartid.

Maxaad sameyneysaa hadii uu dab bilowdo?

  • Badbaadi kuwa khatarta ku jira, laakiin haaisu dhigin khatar weyn oo aan loo baahneyn.
  • U dig kuwa uu dabka khatarta ku yahay.
  • Ogeysii adeega gurmadka adoo wacaaya 112, haa ka walwalin! Xitaa haddii aad adiga naftaada ku guuleysatay inaad damiso dabka, in la fiiriyo goobta dabka waa muhiim. Waxaa muhiim ah ka walwalid weyn intii la yareysan lahaa.
  • Dami dabka haddii weli uu yar yahay oodna xakameyn kartid. Isticmaal budada dabka lagu damiya kuna toosi afka aaladda dabka lagu damiya qeybta hoose ee holaca ama ku bakhtii dabka bustaha dabka ama roog. U sharax kooxaha gurmadka marka ay imaadaan goobta uu dabka ka socdo.
  • Dabka markuu kululaado waxbuu gubayaa qaaqana meel walba ayuu ku firaarayaa, dabkana siudaas ayuu ku faafi karaa. Albaabaha xir si dabka uusan uugu faafin qolalka kale, sababtoo ah gaaska oksijiinka wuu dhamaanayaa qaaqana qolka ayuu ku jirayaa.
  • Haddii guri aad ku nooshahay: Haa ku bixin goobta jaraanjarada oo uu qaaq ka buuxo. Qaaqa wuu sumeysan yahay wax yar ka dibna waxaa kuugu adkaan karta neefta madax xanuunna waa kuugu dhici karaa. Badalkeeda, iska joog gurigaada. Guri walba wuxuu la mid yahay goob gaar ah uu dabka ku ekaan karo, tani micnaheedu waxey tahay, haddii dariskaaga uu gubanaayo, wey adagtahay in dabka uu soo galo gurigaada ilaa muda 60 daqiiqa ah ka hor. Haddii albaabka uu si fiican u xirneyn, waxaad ku shari kartaa shukumaana qoyan. Joog meel kooxda gurmadka ay si sahlan kaaga badbaadin karaan, sida albaabka balakoonka ama daaqadda.
  • Haddii guri weyn aad ku nooshahay: Qaaqa kulul wuxuu kor ayuu u baxayaa haddii uu qeybta hoose dabka ka bilowda, goobta jaraanjarada waxaa ka buuxsamaaya qaaq. Haddii uu guriga qaba dabaqya dhowr ah, waaa inaad lahaataa qorsha adiga iyo dadka kaloo ku nool guriga aad uuga bixin kartaan jaraanjarada. Waxey noqon kartaa inaad isticmaashaan jaraanjar gaar ah ama xarig. Waa muhuum in qof walboo ku nool guriga uu og yahay sida loo baxo. Qof walba waa inuu ogaadaa meesha liiskuugu imaanaya marka lasoo baxo.

Dabka ka dib

Hadii aad ku dhex neefsatay dabka ama aad gubatay, waa muhiim inaad gaartid isbitaal ama xarunta caafimaad ee kuugu dhow. Inaad gasho dab waxey noqon kartaa xaalad halis ah. In badan waxaa laga yaabaa inaad u baahto inaad kala hadashid qof waxyaabihii dhacay. Mithaal ahaan, xaruntaada caafimaad waxey kuugu caawin kartaa inaad la xiriirtid lataliye dhanka maanka ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah inaad la xiriirtid shirkadaada ceymiska dabka ka dib.

Qalabka aan looga maarmin guriga:

  • Waxaan ku talineynaa in aaladda digniinta dabka ay ku jirta qol walba oo jiif walba kuugu jirta iyo jikada. Sidoo kale waa in aaladda digniinta dabka ay ku jirta qeybaha dhexe ee guriga si looga maqlo jaraanjarada haddii aadan guriga joogin. Aaladda digniinta dabka waa in lagu xiraa saqafka kore ee gurifa ma aha in lagu xira darbiga ama la saara rastooyinka. Ugu yaraan hal mar tijaabi sanad walba iyo mar walbood guri muda todobaadya ah ka maqnaatid. Haa hilmaamin inaad badashid bateriga marka loo baahda.
  • Waxaan sidoo kale ku talineynaa inaad guriga ku haysatid aaladda dab damiska. Waxaad haysan kartaa midda 3-da kiila ah ama tan 6-da kiila ah. Waa muhiim in aaladda dab damiska ay taala meel dhaw oo sahlan si dhakhsi loo gaari karo.Iyadooy ku xiran tahay sida uu u dhisan yahay falaatkaaga ama gurigaada, budada dab damiska ayaa laguuguula talinayaa inaad guriga dhigatid meel u dhow qolka jiifka ama jikada. Xusuusnoow aaladda dab damiska hal mar oo kali ayaa la isticmaali karaa.
  • Buustaha dabka lagu damiya ayaa haboon in la isticmaalo haddi dabka u ka soo kaco jikada wax lagu karsado ama kuraasta fadhiga. Waxaa kale oo uu muhiim ku yahay inaad isku badbaadin karta adiga ama canug marka aad dabka ka baxsaneysid.

Calaamadda Digniinta (Ogeysiis bulshada muhiim u ah, VMA)

Dhammaan inta badan goobaha ugu weyn Sweden waxaa ku xiran aaladda bixisa digniinta oo ka digta khatar walba, sida gaas daadanaaya, dab weyn ama shil kaloo weyn. Aaladda digniinta bixisa waxey leedahay todoba ilbiriqsi oo dhawaq weyn ay bixineyso iyo afar iyo toban ilbiriqsi oo hakad ah. Marka xaaladda la xakeeya ka dib, aaladda kore ee digniinta bixisa ayaa si joogta ah u dhawaaqeysa, 30-40 ilbiriqsi. Aaladda bixisa digniinta waxaa la baraaweynayaa 15:00- ka galabnimo Isniinta uugu horeysa bisha Maarso, Juun, Sebteembar iyo Diseembar si looga ogaado qaabka ay u shaqeyneyso. Aaladda digniinta oo banaanka lagu xira waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu bixiya digniinta xaaladda daruuriga ah iyo weerarada cerka haddii Sweden ay ku jirto dagaal. Marka aad maqasho dhawaqa aaladda digniinta, waa inaad:

  • Gudaha badbaadaada u gashaa.
  • Iridiaha, daaqadaha iyo dulduleelyada xirtaa.
  • Dhageysataa Raadiyaha ama daawataa TV-ga si aad u heshid xog dheeraad ah.
  • Macluumaad dheeri ah ka raadi bogga intarneetka ee barasaabka, www.krisinformation.se ama adoo wacaaya nambarka 113 13.
Ladda ner: Naftaada ka badbaadi dab
Uppdaterat 2017-12-12

Naftaada ka badbaadi dab
Folder på somaliska - Skydda dig mot brand